Allah ha u naxariistee waxaa magaalada London ee caasimadda UK ku geeryooday abwaan, laxamiste, musigyahan iyo hoobalkii caanka ahaa ee Axmed Ismaaciil Xuseen oo ku magac dheeraa ”Xudaydi”.

Xudaydi ayaa dhashay sannadkii 1928-kii, kaas oo fanka kusoo biiray markii ay da’diisu ahayd 18 jir, marxuumka ayaa lagu xasuustaa doorkii uu kasoo qaatay horumarinta fanka Soomaalida oo lagu tilmaamo inuu kamid ahaa aabbeyaashii bud-dhigay.

Kasakow samaynta heeso caan baxay oo uu  ku amaanayo dalka,  ku tilmaamayo jacaylka kuna guubaabinayo bulshada, Xudaydi waxaa lagu magacaabaa inuu ahaa boqorka cuudka oo aanay cidina kaga daba dhufan jirin.

Mar uu ka warramayay dadkii uu baray garaacista cuudka, Xudaydi waxa uu sheegay inuu kamid ahaa AHUN Cumar Dhuulle Cali oo ay Soomaalidu si wayn u taqaan.

Heesaha ugu caansan ee uu allifay marxuum Xudaydi, ayaa waxaa kamid ah heesta ”Uur hooyo”, taas oo uu u qaaday walaalkii.

Xudaydi, ayaa afartii cisho ee ugu dambeeyay kujiray cisbitaal ku yaalla magaalada London, markaas oo la sheegay inuu ku dhacay xanuunka dunida sida wayn ugu fidaya ee Coronavirus, aakhirkiina sababay geeridiisa isagoo ay da’diisu jirto 92 jir.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga