Tobannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay dalka Bangladesh salaaddii duhur ah ee maalintii Arbacada, xilli laga cabsi qabo inay isku imaatinnada waawayni ay horseedi karaan fiditaan ballaadhan oo cudurka Coronavirus ah.

Taliye boolis oo kusugan magaalada Tota Miah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 10,000 oo muslimiin ahi ay isugu soo baxeen magaalada Raipur si ay ilaahay uga durraantaan inaanu ku sababin cudurka dunida ku faafay. 

Dad goobjoogeyaal ah, ayaa warbaahinta u sheegay in tirada iskugu soo baxday Bangaladesh ay ku dhawayd 30,000 oo qof.

Isku imaatinkan wayn ee muslimiinta Bangaladesh, ayaa kusoo beegmaya kadib  markii munaasbad-diineed oo kadhacday dalka Maleeshiya la la sheegay in laga xaqiijiyay helista kiisas 500 oo qof ka badan cudurka ah, taasoo la sheegay inay kasoo qaybgaleen dad ka badan  16,000 oo qof, sidoo kalena horseedday baa layidhi cudurro ka dhaca dalalka deriska la ah Malaysia sida Brunei, Singapore iyo Cambodia.

Dawladda Malaysia ayaa markii dambe mamnuucday dhammaan isu imaatinnada dadweynaha ee dalkaas, iyadoo  xidhay xuduudoheeda si looga hortago sii faafitaanka fayraska.

Kulan-diimeed ballaadhan oo la mid ah kan ka dhacay Bangaladesh, ayaa lagu waday inuu ka dhaco waddanka Indooniisiya, kaas oo lagu waday in la qabto toddobaadka dambe, ayaa hadda la baajiyay, iyadoo laga baqayo inuu sahal noqdo faafitaanka cudurku. 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga