Kumanaan qof ayaa dhooban waddooyinka magaalooyinka dalka Myanmar ee dhaca koonfur bari qaaradda Asia, kadib af-genbi ka dhacay dalkaas oo milatarigu ay talada kula wareegeen.

Magaalada ugu wayn Myanmar ee Yangon ayay ka socdaan dibad-baxyada ugu waawayni, iyadoo dadku ay meelaha qaar rabshado samaynayaan.

Kumanaan dhalinyaro u badan ayaa soo qaatay sawirka haweenayda la xidhay Myanmar u talin jirtay An San Su Yi, iyagoo sidoo kale calanka cas ee xisbigeeda ku labisnaa.

Maalintii Sabtida ayay ciidanada milatariga ee dalkaasi ay gabi ahaanba xidheen khadka internet-ka, balse wali dadka ayaa helaya khadad yar oo ay sawiro iyo muuqaalo dibad-baxyada ku saabsan dibadda dalka ugu soo diraan.

Milatariga Myanmar waxay dawladda ku eedeeyeen in ay samaysay boob doorasho, iyadoo hore ay saluug u muujiyeen dad badani.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga