Kulankii Hargeysa ku dhex maray Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Gen. C/risaaq Maxamuud (Af-gaduud) iyo Taliye Fadal:

Waxay ahayd dabayaaqadii Sanadkii 2015 kii markii aan ogaaday in Taliyihii hore ee Ciidanka Puntland oo la odhan jiray Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf oo ku magac dheeraa ” ina af guduud” uu hawlo shaqo u yimi Magaalada Addis-ababa, qorshihiisuna uu ahaa inuu marka danbe soo maro Dalka Jabuuti lana kulmo Madaxda Amniga iyo Booliska ee Jabuuti sidoo kalana waxaan is tusay in ay arrin fiican noqon karaysay inuu Hargeysa soo maro oo uu la kulmo Taliyaha Booliska Somaliland Marxuum Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Hadaba Aniga oo aaminsan in cid walba ay dani ugu jirto in Amniga Gobolka laga wada shaqeeyo, khilaaf kasta oo siyaasadeed oo jirana laga horreysiiyo ka wada shaqaynta arrimaha Amaanka Mandaqada, ayaa markiiba waxaan xidhiidh la sameeyay Marxuum Fadal waxaanan weydiiyay inuu ogol yahay inuu la kulmo Taliyaha Booliska Puntland Gen Cabdirisaaq Af-gaduud. Waxa kale oo aan u sheegay in markuu Jabuuti soo maro uu diyaar u yahay inuu Hargeysa yimaado.

Allah ha u Naxariistee Taliye Cabdilaahi Fadal wuxuu ii sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Taliye Cabdirisaaq Af guduud, intaas ka dib waxaan la socodsiiyay Madaxtooyada oo iyaguna ogolaaday kulankaas.

Goor Galab ah ayaan Taliye C/risaaq Maxamuud Yuusuf Af-gaduud aan ka soo qaaday Madaarka Hargeysa aniga oo wata gaadhi gaar ah oo aan ahayn kuwa Dawlada, kana dhuumanaya Saxaafada firfircoon ee Somaliland, waxaa Taliye Cabdirisaaq la socday Xaaskiisa iyo Sarkaal sare oo Xidhiidhka arrimaha debada u qaabilsan Ciidanka Booliska Puntland oo aanan jeclayn inaan magaciisa halkan ku xuso.

Hoteelka Maansoor ayaan ku dejiyay, nasasho yar ka dibna waxaan Taliye Cabdirizaaq iyo sarkaalkii kale usoo qaaday Guriga Mayor ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne oo casuumad sharaf fadhi ah noogu diyaariyay. Wax yar ka dibna waxaa gurigii noogu yimi Allah ha u Naxariistee Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan oo kulan dheer oo khaas ah la yeeshay Taliye Cabdirisaaq Afguduud.

Laba maalmood ka dib waxa uu Taliyihii Puntland u duulay magaalada Garoowe, xiligaas ka dib waxaa Madaxda labada Boolis ee Somaliland iyo Puntland dhex maray xidhiidh wada-shaqayneed oo dhow, waxaanay yeesheen is kaashi ay ka wada shaqeeyaan dambiyada iyo isu soo qabashada cidii dembi gasha ee dhinaca kale u baxsata.

Allah ha u Naxariistee Marxuum Cabdilaahi Fadal waxa uu ahaa aragti-foge xidhiidh dhow la lahaa Madaxda iyo laamaha Amniga ee Wadamada Jaarka ah, waxaana uu suurto geliyay in dadka dembiyada gala ee u baxsada Wadamada jaarka ah si fudud gacanta loogu soo geliyo Booliska Somaliland.

Allah ha u Naxariisto Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Allah Samir iyo Iimaan haka siiyo. Aamiin.

Waxaa qoray Kaysar Maxamed, oo hore wasiir ku-xigeen uga soo noqday Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga