Sida ay sheegayaan warar naga soo gaadhay madaxtooyada Somaliland, kulan ayaa saaka ku dhex maray xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda.

Inksta oonay weli jirin cid si rasmi ah war ugu asoo saartay kulankan ayaa warar hordhaca ah oo Saab TV helayo, ayaa sheegay in lagaga wada hadlay khilaafka gudida doorashooyinka Somaliland, oo aan xal laga gaadhin iyo arrinta kasoo cusboonaatay gobolka Badhan.

Wararka ayaa sheegaya inay kulankan isugu yimaadeen Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi

 

Wixii warar ka soo kordha kala soco Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga