Hay’adda caafimaadka dunida ee WHO waxay ka digaysaa xaaladda Covid-19 ee gudaha qaaradda Yurub oo ay saadaalinayso in bilaha soo socda ay meel halis ah gaadhi karto.

Warbixin cusub oo hay’addu ay soo saartay ayaa lagu sheegay in ku dhawaad hal milyan oo qof ay u dhiman doonaan Covid19 gudaha Yurub inta aan la gaadhin ama ka hor bisha March ee sanadka danbe oo muddo saddex bilood ahi ay inaga xigto.

Tiro ay ku sheegtay 700,000 oo qof ayay hay’addu xustay in ay filayso in ay u dhiman doonaan caabuqa hadii aan tallaabooyin dheeraad ah iyo taxadar la samaynin.

WHO waxay sidoo kale warbixinta ku xustay in tiradan ay ku jirto qaar ka mid ah wadamada qaaradda Asia.

Safmarka Covid-19, wuxuu dunida ku dilay dad ka badan 5 million oo qof iyadoo laga helay 259 million oo qof. Weli ma jirto cid garan karta xili uu dunida ka dhammaanayo, balse tallaalka ayay khubaradu u aragtaa xal lagaga gudbi akro Covid-19.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga