Kooxda caalamiga ah ee la dagaalanka budhcad-baddeeda Soomaaliya , ayaa cambaareeysay sii dayna 19 maxbuus oo budhcad-badeed ahaa, kuwaasoo ana dhamaysan muddadii lagu xukumay

Kooxda oo macgeeda loo soo gaabiyo CGPCS , ayaa bishii September 2018 , mawqifka adag ay ka taagan yihiin in go’aan hal dhinac ah lagu sii daayo budhcada dambiyada lagu helay , taasoo mijo xaabinaysa tallaabada wada jirka ee beesha caalamku tobankii sanno ee u dambeeyay ku yaraysay budh-caddii ku sugnayd xeebaha Soomaaliya

Go’aanka sii daynta budhcada ayaa ka hor imanaya heshiiskii maxaabiista lagu soo wareejiyay , waxaana auu jabinayaa is fahankii la gaadhaya , ee lagu wareejiyay budhacadii ay xukuntay Seychelles, waxaana budhcada Soomaalida ah loo wareejiyya xabsiyo ku yaalla Somaliland , shirkii Soomaaliya ee London lagu qabtay 2012 , ayaa la isku af gartay maxaabiista lagu celiyo dalkooda si xukunka ugu dhamaystaan , waxaana arrin laga eegay dhanka bini aadaminimada .

Kooxda la dagaalanku budhcad-baddeedu waxa ay ku baaqeen in budhcad-badeedu dhamaantood ay dhamaystaan xabsiyada , iyada oo taageeray cambaarayntii Seychelles ee maxaabiista la sii daayay.Guddoonka CGPCS , waxa uu baaqay xog-yahaya guud ee Qaramada Midoobay

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga