Daalibaan ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu jabiyay heshiis taariikhi ah  oo ay kala saxiixdeen labada dhinac, kadib markii Pentagon-ka uu sheegay in kooxda ay ku guuldareysatay inay fuliso dhinaceeda heshiiska.

Mohammad Naeem, oo ah afhayeenka Taliban ee Qatar u jooga, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dhinaca kale ay jabiyeen heshiiska, waxaanu intaasi ku daray, in maalin walba ay jebiyaan hesiiskaas.

 

Wakaaladda wararka ee AFP wuxuu u sheegay afhayeenka Daalibaan, inay Maraykanku duqeynayaan dadka shacabka ah, guryaha iyo tuulooyinka, iyaguna ay ku wargalinay mar walba inay fuliyaan heshiiska,

Afhayeenka kooxda Daalibaan ayaa sheegay sidoo kale, in aanay tani keliya ahayn ku xadgudubka heshiiska ee ay tahay waa ku tumasho lagu tumanayo xuquuqda aadanaha.

Milatariga Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday duqeymo cirka ah oo ka dhan ah dagaalyahanada Taalibaan ee difaacaya ciidamada Afghanistan gobolada qaar.

Afhayeenka Taalibaan ninka kale ee magaciisa layidhaa Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay, in eedaha loo soo jeediyay kooxdu “ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn” ayna “si buuxda uga go’antahay” heshiiska.

Wasaaradda gaashaan-dhigga Maraykanka ee Pentagon-ku, waxay khamiistii sheegtay in Daalibaan ay diidday fulinta ballan-qaadyadii heshiiska, taasina ay sare u qaadayso su’aalaha ku saabsan in dhammaan ciidamada Mareykanka ay awoodi doonaan inay baxaan ilaa May sida ku xusan heshiiska nabadeed ee la saxiixay Febraayo 2020

Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Doha sanadkii hore ayaa looga baahnaa kooxda Taalibaan inay joojiso weerarada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka, isla markaana ay si weyn hoos ugu dhigto heerka rabshadaha ka jira dalka, ayna sii amba qaado wadahadalada nabadeed ee ay la yeelaneyso xukuumada Kabul

Taas bedelkeeda, Mareykanku wuxuu si tartiib tartiib ah u yareyn doonaa heerarkiisa ciidan ee dalka, wuxuuna ka saari doonaa dhammaan xoogagga illaa bisha May ee sannadkan.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan laga dhigo 2,500 maalmo un ka hor inta uusan xafiiska ka tagin horaantii bishaan.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa sheegay in Mareykanku uu garab taagan yahay sida ay uga go’an tahay bixitaanka ciidamada oo dhameystiran, laakiin heshiiska ayaa sidoo kale ku baaqaya in Taliban ay xidhiidhka u jarto kooxda Al-Qaacida lana yareeyo rabshadaha.

Saraakiisha Aqalka Cad iyo saraakiisha waaxda arrimaha dibedda ayaa si cad u sheegay in maamulka Biden uu qorsheynayo inuu fiiriyo heshiiska cusub ee nabada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga