Kooxda daacish ee dalka ciraaq ayaa sheegatay weerarkii ugu horeeyay ee ay ka gaysato dalka ku yaala badhtamaha qaaradda afrika ee koongo. Waxayna weear ku dishay laba ka mid ah ciidanka ammanka iyo qof shacab ahaa.

Kooxda ayaa ku dhawaaqday wax ay ugu yeedhay khaliifada islamka ee gobolka badhtamaha afrika.

Warka sheegashad akooxda ayaan si rasmi ah ,oo xaqijin karin maadama ay baahisay wakaalada gacansaarka la leh kooxda ee Amaq.

Sadexda qof ayaa ku dhintay weeraro maaliintii salaasada ka dhacay meel u dhaw deegaanka bovata, sida ilo u dhaw ciidanka nabad ilaalinta ee qarmda midoobay ay u shegeen wakaalada wararka ee reuters.

Deegaanka ayaa ku caan ah rabsahadaha, iyadoo mudooyinkii danbana uu ka jiray kisas cudurka ebola ahi.

Waxa jira kooxo badan oo hubaysan misana mabaadi’ kala duwan haysta marka la joogo bariga dalkan aadka u balaadhan ee kongo, iyadoo kooxda daacishna sheeganaysa in ay imika galaangal toos ah ku yeelanayso dalkan.

Kooxda daacish ayaa sidoo kale sheegatay weerar lagu dilay shan qof, oo isna ka dahcay bariga kongo.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa shegaya in weerarka ay gaysatay koox deegaanka ah oo ay xidhiidh leeyihiin kooxda daacish, oo mudooyinkii ugu danbeeyya jab wayn kala kulantay dagaalka ay ka wado baroga dhexe.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga