Kooxda Kubbada Cagta ee  Memenenspor football club oo ka dhisan dalka Turkiga ayaa muddo 24 saacadood gudahood ah ku hakisay heshiis ay la gashay ciyaaryahan lagu magacaabo  Alpha Jallow.

Ciyaartoyga oo lagu magacaabo Alpha Jallow una dhashay dalka Gambia ayaa xaqiiqsaday in mid ka mid ah riyooyinkiisu ay u rumeebeen, isla markaana uu ka ciyaari doono mid ka mid ah horyaalada caalamka. Balse riyadiisa ayaa ku dhimatay muddo 24 saac ah.

Kooxda ayaa heshiiska ka noqotay hal maalin gudaheed, kadib markii ay ogaadeen in ciyaartoygu aanu ahayn kii ay u socdeen.

Kooxda ayaa aragtay muuqaalka ciyaartooy ay isku magacyihiin oo ahaa ka saxda ah ee kooxdu ay rabtay. Arintaas oo keentay in si dhakhso ah ay uga baxaan heshiiska.

emenenspor football club ayaa markiiba dib u daawatay muuqaaladda, waxaanay ogaatay in ciyaaryahan Lamin Jallow oo laftiisuna dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Gambia uu yahay kan saxda ah ee ay doonayeen, hasayeeshee ciyaaryahankan ay heshiiska la galeen uu yahay mid kale oo khaldan.

Waxaanay ugu danbayn kooxdu heshiiskii la gashay ciyaaryahan Lamin Jallow oo marka horeba diirada u saarnaa kooxdaasi

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga