Qofkii saddexaad oo qaba caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus ayaa lagu arkay gudaha dalka Soomaaliya, sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOM, ayaa xaqiijiyay in qof shaqaale ka ahaa kambani ay la saxeexdeen mashruuc uu hadda caabuqa qaaday isla markaana lala tacaalayo xaaladiisa caafimaad, sida ay lagu sheegay war kasoo baxay. Waxa la hayay muddo sideed maalmood ah, iyadoo markii danbe lagu arkay astaamaha caabuqa.

Soomaaliya ayaa ah waddan aan lahayn hanaan caafimaad oo iska caabiyi kara caabuqa Covid-19, waxaana ay hadda dawladdu qaadaysaa tallaabooyin ay kula dagaalamayso fiditaanka caabuqa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga