Maraykanku wuxuu taageerayaa wada xaajood ay sameeyaan dawladaha Somalia iyo Kenya, isagoo doonaya in maxkamadda ICJ lagasoo saari kiiska dhanka badda ee u dhaxeeya labadan waddan ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

Safiirka xukuumadda Washington u fadhiya magaalada Nairobi oo waraysi gaar ah siinayay wargayska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa sheegay in dawladiisu ay danaynayso wadaxaajood lagu dhameeyo khilaafka labada waddan.

Danjire Kyle McCarter ayaa sheegay in uu magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweyne Farmajo isla markaana uu u sheegy in kiiska lagasoo saaro maxkamadda ICJ, labada dawladoodna ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka.

Maxkamadda ICJ ayaa illaa badhtamaha sanadka danbe dib u dhigtay dhagaysiga dacwadda badda ee u dhaxaysa Somalia iyo Kenya. Xiliga uu dhagaysiga dacwaddu ku beeganyay, Soomaaliya waxa ka socda olalaha doorashada madaxtinimada, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaliya ay walaac ka muujiyeen xiliga lagu beegay dacwadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga