Tirada dadka uu ku dhacayo Covid-19 ayaa sii kordhaysa gudaha Somaliland iyadoo dadka bogsanayaana ay yaryihiin marka loo eego tirada guud ee uu ku dhacay.

Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa goor dhawayd sheegtay in ay heshay 28 kiis oo cusub, iyadoo tirada guud ka dhigaysa 322 kiis.

Nolosha dadka ee magaalooyinka Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa oo ah tan ugu kiisaska badan ayaa si caadi ah wali u socota, iyadoo gudida Covid-19 ee Somaliland ay meelaha qaar khafiifiyeen amarada, sida garoomada ciyaaraha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga