Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa sheegtay in ay diwaan galisay 35 kiis oo cusub kuwaas oo ah caabuqa Covid-19, iyadoo la baadhay 90 qof.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay ayaa hadda gaadhaysa 203 qof, marka la isku dhammaan kiisaska ay wasaaradda caafimaadku sheegtay, iyadoo ay ka bogsadeen 19 qof. Tirada dhimashada ayaa sidoo kale ah 15 qof oo hal qof oo ka mid ahi uu 24kii saacadood ee lasoo dhaafay dhintay.

Somaliland ayaa ka mid ah wadamada Geeska Afrika oo xanuunka Covid-19 uu hadda ku fidayo, iyadoo dawladdu ay soo saarayso awaamir kala duwan oo lagu xakamaynayo xanuunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga