Dadka Kiiniyaanka ah ayaan danaynin ilaalinta xogtooda gaarka ah marka ay isticmaalayaan internetka, sida lagu sheegay xog-ururino badan oo la sameeyay qaybna ka ahayd Qaramada Midobaay.

10-kii qof ee Kiiniyaan ahba waxa suurtagal ah in 4 kaliya ay xogtoodu dhawrantahay, sida lagu sheegay warbixinaha.

Arintan ayaa keenaaysa in waddanka Kiiniya uu noqdo kan ugu horeeya aduunyada ee dadkiisa aanay xogtoodu dhawrnayn. Dad badan ayaa khatar ugu jira weerarada dhanka internetka, iyagoo u nugul in goor kasta xog lagala bixi karo akoonadooda gaarka ah.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga