Khuburo Dhanka Kiimikooyinka Ah Ayaa Gudaha U Galay Goobtii Laga Sheegay In Uu Weerarka Kiimikada Ah Ka Dhacay Arbacadii, Sida Ay Dawladda Ruushku Sheegtay.

Weerarkii 7 Abriil Dhacay Ayaa Horseeday Weerar Dhanka Cirka Ah Oo Dawladdaha Brirain, Maraykanka Iyo Faransiisku Ay Ku Qaadeen Xarumo Ay Dawladda Suuriya Leedahay.

Salaasadii Hore Warbaahinta Dawladda Suuriya Ayaa Sheegtay In Waaxda Difaaca Dalkaasi Ay Ka Jawaabtay Gantaallo Lagu Soo Weeraray Magaalada Galbeedka Ku Taalla.

Gantaalladaas Ayaa Lagu Bartilmaameedsaday Saldhigga Ciidammada Cirka Ee Shayrat Sida Ay Warbaahinta Dawladdu Sheegtay, Balse Faah-Faahin Kama Aysan Bixinin Cidda Soo Qaaday.

Warbixin Kale Oo Ka Timid Malayshiyada Xisbullah Ee Ay Iiraan Taageerto Ayaa Lagu Sheegay In Hannaanka Difaaca Ee Suuriya Uu Qabtay Gantaallo Lagu Soo Ganay Garoonka Milatariga Ee Duuma Oo Ku Yaalla Waqooyiga Bari Ee Magaalada Dimishiq.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga