Khuburo ka socota beesha caalamka ayaa tegaya dalka Shiinaha si ay baadhis ugu sameeyaan asalka cudurka Coronavirus.

Khuburadani, ayaa la sheegay inay ka socdaan haayadda caafimaadka adduunka ee WHO, kuwaasi oo dalkaasi tegi doono maalinta Khamiista ah, wararka ayaa sheegaya inaan hadda la hubin inay booqan doonaan magaaladii uu ka dillaacay Fayrasku ee Wuhan.

Waxay ahayd daba-yaaqada sannadkii 2019, markii Covid-19 uu ka dillaacay Wuhan oo ku taalla bartamaha dalka Shiinaha, cudurka Coronavirus ayaa dilay ku dhawaad 2 Milyan oo ruux, wuxuu asiibay malaayiin kale iyadoo guud ahaan uu saameeyay dhaqaalah adduunka.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga