Waxaa soo ifbaxaya khilaaf diplomaasiyadeed oo hor leh kaasi oo u dhexeeya quwadaha Reer Galbeedka iyo Iiran,kadib markii Madaxweyne Trum uu keeney qorshe cusub oo ah in heshiis hor leh lala galo Iiraan.

Xasan Ruuxaani oo ah hoggaamiyaha Dalka Iiraan ayaa si kulul u weeraray siyaasadda madaxweyne Trump,wuxuu su’aal geliyey sharcinimada isku dayga Maraykanka iyo xulufadiisa reer Yurub ay ku doonayaan in ay wax kaga bedelaan heshiiskii nukliyeerka ee dalkiisa lala galay.

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Faransiiska ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan heshiis cusub oo qodobadiisu ay sii kordhin doonaan kuwa heshiiskii 2015-kii la galay.

Blase madaxweynaha Iiraan waxa uu sheegay in aanay labadooda oo keli ahi “xaq” u lahayn in ay dib uga xaajoogaad heshiis todoba geesood ahaa.

Sidoo kale madaxweyne Ruuxaani ayaa xusay in madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, yahay nin “ganacsade ah” oo aan lahayn aqoon uu kaga hadlo heshiisyo caalami ah. “ma lihid haba yaraatee aqoon siyaasadeed, aqoon sharci na ma lihid, khibrada uma lihid in aad ka hadasho heshiisyada caalamiga ah” ayuu ku yidhi Ruuxaani madaxweynaha Maraykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku cunoqabataynta uu diidayo heshiiskaasi ku soo rogi doono Iran 12-ka bisha May, hadii Congress-ka Maraykanka iyo quwadaha reer Yurub wax ka bedeli waayaan “gol daloolooyinka halista ah” ee heshiiska lala galay.

Arrintani ayaa u muuqataa mid sii hurinaysa xisadaah siyaasadeed ee soo jireenka ah,kuwaasi oo ku qotoma barnaamijka Nuclearka dalka Iiiraan,maadaama ay Iiraan hanjabaadyo hor leh ay jeedinayso

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga