Muran ayaa kasoo cusboonaaday Doorashada Golaha Shacabka ee deegaanada Somaliland, taas oo la filayay in labada todobaad ee soo socda la qabto qayb kale oo ka mid ah.
Cabdi Xaashi, senetar Aqalka Sare ka tirsan, ayaa ku baaqay in la hakiyo doorashada 16 kursi oo hore gudida doorashooyinku ay ugu baaqeen, kuwaas oo aanay ku qanacsanayn hanaanka xulista ergeda.
Gudida doorashada garabka uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa iyaguna ku raacay hadalka Cbadi Xaashi ee hakinta doorashada kurastaas.
Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan xubnaha kale ee uu soo magacaabay raysalwasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, kuwaas oo iyagu aan weli hadal.
16 kursi oo ka mid ah kuraasta Somaliland ee Golaha Shacabka aya la filayay in dhawaan la doorto, balse khilaafkan cusub ayaa soo baxay hadda.
WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO SAABTV.VOM