Diyaarad ay Leedahay Shirkada Diyaaradaha ee Ethopia Airlines ayaa Burburtay Iyadoo Kusii Jeedda Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.

Maamulka Diyaaradda Ethopia Airline ayaa Sidoo Kale Xaqiijiyey Burburka Diyaaradda.

Diyaaradda Burburtay oo Nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa ka Duushay Magaaladda Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

Wararka Ilaa Hada Kasoo Baxaya Khasaaraha Ka Dhashay Burburka Diyaaradda ayaa sheegaya in ay Ku Dhinteen Dad Rakaab ah oo Tiradooda Lagu Qiyaasay 149 ruux iyo Waliba siddeed shaqaale ah oo la socday diyaaradaha.

Masuul u Hadlay dowlada Ethiopia ayaa sheegay in diyaarada ay burburtay 08;44 Maalinimo ee Maanta kadib markii ay ka duushay caasimada Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka hadlay burburka diyaarada isaga oo uu tacsi u direy dadkii ay ka geeri-yoodeen rakaabka iyo shaqaalaha saarnaa diyaarada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga