Khabib Nurmagomedov oo ah feedhyahan ama dagaal yahan muslin ah kaas oo xirfaddiisa dagaalka caan ku noqday, ayaa waxaa uu madaxwaynaha Faransiiska Macron ku dhaleeceeyay jawaabtii uu ka bixiyay laba weerar oo ka dhacay dalkaasi Faransiiska.

Saddex qof ayaa lagu dilay magaalada Nice khamiistii, laba toddobaad uun ka dib markii macallin qoorta looga jaray xaafad ka tirsan magaalada Paris.

Nurmagomedov, ayaa baraha bulshada ku yidhi: “waxa uu sheegay inuu Macron dhaawacay dareenka in ka badan 1.5 bilyan oo Muslimiin ah.” isagoo intaasi sii raaciyay: “Waxaan nahay dad Muslimiin ah, waxaan jecel nahay Nabigeena Muxamed NNKH inka badan inta aanu jecelnahay hooyooyinkeena, aabayaasheen, caruurteena, xaasaskeena iyo dhamaan dadka kale ee ku dhow qalbiyadeena.”

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga