Dawladda Kenya ayaa Soomaaliya ka dalbatay in ay faahfaahin ka bixiso diyaarad maalintii shalay ahayd ku dhacday deegaanka Bardaale ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Laba muwaadin oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku dhintay burburka diyaaradda.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in xukuumadda Nairobi ay dalbanayso in Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ahiba ay baadhitaan ku sameeyaan waxa dhacay.

Saraakiisha deegaanka ee burburka diyaaraddu ka dhacay ayaa qaba in hub ay rideen ciidamada Itoobiya ee aaga ku sugnaa uu ku dhacay diyaaradda, balse wali ma jiraan warar cad oo goobta kasoo baxayaa.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xuntahay waxa meesha ka dhacay, iyadoo intaa ku dartay in ay wado baadhitaan ay ku ogaanayso wixii meesha ka dhacay, natiijadana ay la wadaagi doonto dadweynaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga