Dawlada Kenya ayaa sheegatay in ay dishay dagaalamayaal ka tirsan kooxda alShabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Kaynta xidhka ah eeĀ Boni ee deegaanka Lamu ayay Kenya sheegtay in ay ku dishay koox ka tirsan alShabaab, waxaana la rumaysanyahay in ay halkaas alShabaab saldhig ku leedahay.

15 askari ayaa lagaga dilay alShabaab hawl galka, balse ma jiro war kasoo baxay dhanka alShabaab.

AlShabaab ayaa inta badan weeraro ka fulisa deegaanada xeebta ee dalka Kenya iyo magaalooyinka kale meelo ka mid ah, waxaanay alShabaab diidantahay joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga