Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay sheegtay in Kenya ay qorshaynayso duullaan ay ku qaado qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya iyo saldhigyo ay leeyihiin ciidamada xooga Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.” ayaa lagu yidhi warka dawladda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa Kenya u dirtay digniin iyadoo xustay in ay qaadayso tallaabo kasta oo ay ku difaacayso madaxbanaanideeda.
Halkan ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran: