Dawladda Kenya ayaa weli ku taagan in aanay aqbalahayn go’aan kasoo baxa maxkamadda ICJ ee Qaramada Midoobay, taas oo ka garnaqaysa dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xukuumadda Niarobi ayaa ayiday hadalka wasiirka arimaha dibadda ee dalkaas oohore u sheegay in aanu khusayn go’aanka maanta kasoo baxaya maxkamadda cadaalada dunida.

Maxkamadda ICJ ayaa maanta gelinka danbe waxay ku dhawaaqaysaa go’aanka ugu danbeeya ee ay ka gaadhay dacwaddii sanadada badan hor taalay, iyadoo wefti ka socda Soomaaliya ay joogaan magaalada Hague.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga