Dawladda Kenya ayaa ka hadashay kulan maalintii shalay ahayd dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya. Farmaajo iyo Kenyatta ayaa ku kulmay magaalada NewYork ee dalka Maraykanka, iyadoo uu kulankooda soo qabanqaabiyay gudoomiyaha Midawga Afrika, Cabdifataax alSisi, ahna madaxweynaha dalka Masar.

Kenya waxay sheegtay in mar walba ay diyaar u ahayd wadahadal, isla markaana ay sii wadi doonto in ay Soomaaliya wada-xaajood la yeelato. Madaxweyne Uhuru Kneyatta ayaa xusay in dalkiisu uu diyaar u yahay in miiska wada hadalka lagu dhameeyo khillaafaadka ka dhex jira qaaradda Afrika.

Xukuumadda Nairobi ayaa rabta in muranka badda ee Soomaaliya ka dhexeeya lagu dhameeyo wadahadal, balse Soomaaliya ayaa marar badan ku gacan-saydhay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga