Dawladda Kenya ayaa qaban doonta hogaanka sare ee urur goboleedka IGAD, sida ay tilmaamayaan xogo ay warbaahinta SAAB ka helayso magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa iyaduna sidoo kale loo dhiibi doonaa jagada xoghaya guud, iyadoo hadii ay sidaa u dhacdana ay Soomaaliya meesha ka bixi doonto.

Dawladda Soomaaliya ayaa hore u dalbatay in loo dhiibo jagada ugu saraysa urur goboleedka, waxaana sidaa hore u sheegay madaxweyne Farmaajo oo dalbaday oo dalkiisa loo dhiigo madaxa IGAD.

Dabayaaqada bishan ayaa la filayaa kulanka ugu danebeya ee lagu go’aamin doono jagooyinkan uu ka dhaco magaalada Nairobi ee caasimadda dalk Kenya.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalka kaliya ee ka mid ah aasaasayaasha ururka ee hadana aan qaban jagada ugu saraysa IGAD.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga