Kenya waxay fasaxday diyaaradaha uga goosha dhanka Soomaaliya oo in muddo ah ay xayirtay.

Dhammaan duulimaadyada u kala socda Kenya iyo Soomaaliya ayaa imika shaqyanaya kadib war kasoo baxay wasaaradda arimaha diabdda ee Kenya oo lagu sheegay infasax la siiyay duulimaadyada hore loo mamnuucay.

Kenya waxay bishii hore joojisay dhammaan duulimaadyada ka taga gudaha dalkeeda ee Soomaaliya taga iyo kuwa uga yimaada, iyadoo illaa amar dane kaliya fasaxday diyaaradaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Warka kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda ee Kenya waxa lagu xusay in dib usoo celinta duulimaadyada ka dhexeeya labada waddan ay hagaajinayso xidhiidhka ka dhexeeya isla markaana qayb ka qaadanayso sidii mar kale uu xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada waddan sidii hore ugusoo noqon lahaa.

Weli Soomaaliya kamay hadal in Kenya ay ogolaato duulimaadyada laada waddan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga