Dawladda Kenya waxay bilo ka dib sheegtay in ay furayso xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya.

Xadka labadan waddan ayaa xidhnaa muddo bilo ah iyadoo ay sabab u ahayd Kenya oo dhankeeda ka xidhay xadka.

Kenya waxay ka cabanaysay markaa amni daro ay sheegtay in ay kala kulanto dhanka Soomaaliya, balse weerarada alShabaab ee gudaha Kenya ayaan si taagin iyadoo ay ugu danbaysay todobaadkii tegay oo 7 qof ay alShabaab ku dishay deegaanka xeebta dhaca ee Lamu.

Gudida heer qaran ee amniga Kenya ayaa gaadhay go’aanka ay ku fasaxeen in dib loo furo xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, iyadoo la sheegay in xadka Mandheera la furi doono kadibna lagu xigsiin doono deegaanada kale ee xadka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga