Dawladda Kenya ayaa ciidamo boolis ah oo dheeraad ah keenaysa dalka Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan ciidamada halkaas hore uga joogay Kenya.

War kasoo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamadan booliska ahi ay ka qayb qaadan doonaan tayada adeegyada August booliska Kenya u qabtaan shacabka Soomaaliya.

Kenya waxay qorshahan la wadaagtay wefti ka socda hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairobi.

14 bishan October ayay ku beegantahay markii ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga