Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku waramaysa in dawladda Kenya ay maxkamadda cadaalada dunida ka dalbatay in dib loo dhigo dacwadda badda ee kala dhaxaysa Soomaaliya.

Kenya ayaa isku dayaysa in muddo hal sanno ah loo kordhiyo wakhtiga, xili maxkmaddu ay u balansantahay in todobaadka danbe ay si toos ah u gudo-gasho dhagaysiga dacwadda.

Soomaaliya ayaa diiday dalabka Kenya, sida ay tilmaamayaan wararka ka imanaya Muqdisho, iyadoo ku adkaysanaysa in kiiskan la qaabo xiliga uu u muuddaysanyahay.

Dacwadda ayaa sanado hor taala maxkamadda cadaalada dunida ee ICJ, iyadoo laga warsugayo go’aanka maxkamadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga