Dawladda Kenya, ayaa qorshaynaysa in ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ee Somaliland si loo kordhiyo qaadka Miirooga ee la keeno

Wasiirka ganacasiga Peter Munya , ayaa sheegay in qaadka la dhoofinayo ay cashuuraha ka fudadu dayn doonto qunsuliyadu.

Munya waxa uu sheegay in dawladdu ay go’aankii ugu dambeeyay ka gaadhayso cilaaqaadka iyada oo la bixiyey miisaaniyadii loogu tala galay qunsuliyada

Isaga oo ka hadlayey deegaanada Laare iyoMaili Tatu oo ka tirsan degmooyinka Waqooyiga Igembe baddhtamaha Igembe, waxa uu sheegay in ay jirto istaraatijiyad lagu suuq geynayo Miirooga

Wasiirku waxa uu sheegay in MIiraaga la ogolaaday in Israa’iil loo dhoofiyo, iyada oo suuqyo kale laga raadinayo dalalka Mozambique iyo Uganda

Dawladda , ayaa wada habkii qaadka Miirooga loo dhoofin lahaa, waxaana dalalka gaadhsiin doonto diyaarada Kenya Airways, waxaana la qorshaynayaa in la kordhiyo dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee garoonka Isiolo, si qaadka si dhakhso ah loogu dhoofiyo sida uu sheegay wasiirka ganacsiga Kenya Peter Munya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga