Ciidamada amaanka ee dalka Kazakhstan ayaa sheegay in ay dileen tobonaan qof oo ka soo horjeeda dowladda Kazakhstan howlgal lagu soo celinayo amaanka magaalada ugu weyn ee Almaty.

Mudaaharaadayaasha, ayaa la sheegay inay isku dayeen la wareegidda saldhigyada booliiska ee magaalada, ayay tidhi afhayeen u hadashay booliiska.

Inta la xaqiijiyay 12-askari oo ka tirsan ciidamada amaanka ayaa ku dhintay 353-kalena waa ay ku dhaawacmeen qalalaasahaasi, kadib markii ay laba jibbaarantay qiimaha gaasta loo yaqaan LPG, oo aad looga istimaalo dalkaas.

Wararka ayaa sheegay in dalka Ruushku uu ciidamo u dirayo Kazakhastan, kadib codsi uga yimi madaxweynaha Kazakhstan.

ururka CSTO, oo ay weheliyaan Russia, Belarus, Tajikistan, Kyrgyzstan iyo Armenia ayaa wefdi u diraya dalkaasi iyo ciidamo nabad-ilaalin ah.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga