ugu yaraan 60, 000 oo qof ayaa dhintay 70-sanno saddex dagaal oo u dhexeeyay laba wadan oo ku hubeysan Nuclear, waxaana jira tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo aan xisbaab lahayn
“Mar walba halkan oo dhiig ku daadanayo ayaan joogay, illaa dhiig la daadiyo dhiig maba qanco“
Waa sheekada Khasmiir aynu ugu laabano , waxa ku yaalla buuralayda Himilayaan , Kaashmiir waxa uu qanci ku yahay khayraadka iyo taariikho kala duwan
Waxa uu ahaa hoyga Hinduuga iyo Budhistiga qarnigii 9-aad illaa qarnigii 14 -aad .
Qarnigii 14-aad Diinta Islaamka ayaa noqotay ta ay dadku ugu badan rumaysan yihiin , waxaana xukunka hayay Abkar Saynul Cabdiniin .
Kaashmiir ayaa lagu maamulayay diin la siyaasadeeyay iyo siyaasad hore umarsan .
Xukunkii Muslimiinta ayaa dhammaaday 1819, ka dib markii boqortooyadii Siikha ee Punjab ay gobolka kala wareegtay Boqortooyadii Afghan Durrani .
Boqortooyada Siikha waxa ay fulisay siyaasad arxandaro ku dhisnayd .
Ka dib dagaalkii dhexmaray Ingiriiska iyo Siikha 1845 , ciidamada shirkaddii loo yaqaanay British East India ayaa gobolka ka soo jaray dhulka Siikha , Ingiriiska ayaa si adag ula wareegay dhulkaasi , iyaga oo aan tixgelin dadka asal ahaan u dhashay dhulkaasi.
Dooxada Kaashmiir ayaa si dhakhso ah looga iibiyey Hogaamiyihi Hinduugii laga tirada badnaa Raja Gulab Singh, shuruudna waxa looga dhigay in uu garto awoodii saraysay ee dawladda Ingiriiska .
Qoyska Singh ayaa wax u maamulay hab cadaawad ku dhisnayd.
Muslimiintii Kaashmiir ayaa laga dhigay shaqaale adoomo ah, waxaana lagu soo rogay cashuuro adag iyo dawladdo tacadiyo ku haysay .
Mudaharaad ay dhigeen 1931-kii 22 qof oo mudaharaadayaal ah ayaa toogasho lagu dilay ,waxaana ay ka soo hor jeedeen xukunkii Maharaaja, maalintaas ayaa loo yaqaanaa Myrts .
Halganka xorimo doonka Kashmiir wakhti dheer ayuu bilaabmay ka hor aas-aaskii Hindiya iyo Pakistan .
Markii Hindiya ay madaxbanaani ka heshay Boqortooyadii Ingiriiska 1947 , wadanka ayaa fikirkad ahaan u kala go’ay , gobolada ay ku badnaayeen Muslimiintu ayaa noqotay dawladda cusub ee Pakistan ee la sameeyay inta badan gobolada Hinduuga ayaa sii ahaaday HIndiya
Kala qaybintaasi ayaa ka mid ah ugu dhiiga uga badan ku daatay taariikhda , milyan oo qof ayaa ku dhintay rabshado diin ku dhisan .
Ninkii maamulayay Kaashmiir Maharaja Hari Singh , ayaa laga codsaday in uu laba mid uun ku biiro , waxa uu ka cabsi qabay in haddii ay ku biiraan Hindiya qaar ka mida Muslimiinta Kashmiir ay noqdaan fagaalo hubaysan .
Maharaja waxa uu isku dayay in uu dejiyo kacdoonka 200,000 qof ayaa dhintay.
Iyaga oo maqlay weerarada lagu hayo Musliimiint, ayaa niman ka tirsan qabaa’ilka dega Waqooyi Galbeed Pakistan , waxa ay qabsadeen Kashmiir.
Maharaha waxa uu caawimo weydiistay HIndiya , waxa ay codsaday in uu fuliyo waajib oo ahaa in ay ku soo biiraan , waxa uu saxeexay heshiis ahaa in Hindiya galaangal ku yeelato Kashmir ,laakiin waa in afti la qabtaa.
Marka dagaalku dhamaado , afti la diyaariyay ayaan ahayn madaxbanaan , laakiin waxa ay Khamsiir uu ku biiro Hindiya iyo Pakistan mid uun.
Markii dagaalku dhamaaday January 1949 , xabad xoojin ay taageertay Qaramada Midoobay ayaa keentay in Kashmiir loo kala qabiyo Hindiya iyo Pakistan , mana dhicin wax afti ahi.
Illaa maanta dadka reer Kaashmiir ma awoodaan in ay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda.
Markii la kala qaybiyey Galbeedka Kaashmiir waxa maamula Pakistan , Kaashmiiriyiinta halkan waxa ay la kulmaan cadaadis siyaasadeed iyo jidh dil ay u gaystaan maamulka Pakistan . laakiin qaybta ugu weyn ee hoos tagta maamulka Hindiya , waxa dhibaateeyay rabshadaha iyo kacdoonka , Muslimiinta tirada badan oo ay la nool yihiin tiro isugu jirta Hinduu iyo Budhist.
Shiinaha ayaa maamula dhul aan cidi degin oo loo yaqaan Aksai Chin .
Pakistan iyo HIndiya ayaa mar kale ku dagaalamay Kaashmiir 1965 iyo 1999 .
1980-yadii waxa ka korodhay mucaaradada ka dhanka ahayd xukunka Hindiya , waxaana ay horseeday kooxo hubaysan wax iska caabin kala hor tagay ciidamada Hindiya .
Pakistan waxa ay siisay hub, tababar, dhaqaale iyo taageero kooxaha gooni u goosadka ah.
“Dawladda Pakistan waxa taageertay halganka xorinimo doonka Kashmiir , maaha argagixiso “
Amaan darada gobolka ka jirta ayaa boqolaal kun oo Hinduuga Kashmiir ku nool ku khasabtay in ay ka baxaan dooxada , horaanti 2000 Hindiya waxa ay u muuqatay in ay burburisay dhaqdhaqaaqa , iyada xadhig baahsan lagu qabqabtay , weeraro mucaaradka dhan ahaa iyo siyaasad waxtar lahayd .
“ Waxa naga go’aan in rabshudu dhamaadaan “
Maanta qaybta Hindiya ay maamusho ee Kashmiir , waa deegaanka uu joogo milatariga ugu badan aduunka , in ka badan 700, 000 oo kun askarta Hindiya ayaa haystan dhulkan , waxaana joogitaankoodu waxa sii adkanayaan uun Khashmiir oo hore siyaasad u kala qaybsanayd .
![]() |
Virus-ree. www.avast.com |