Afar kamid ah qoys muslimiin reer Kanada ahaa, ayaa lagu dilay dalkaasi iyadoo loo dilay diinta islaamka oo ay aaminsanaayeen darteed, sida ay boolisku sheegeen.

Weerarka, ayaa ka dhacay magaalada London ee gobolka Ontrio ee dalka Kanada, iyadoo loo adeegsaday baabuur xaajiyada ahaa kaas oo xawaare sare ku socday.

Dadka muslimiinta ah ee la dilay ayaa lagu soo warramayaa inay ahaayeen dad asal ahaan kasoo jeeda waddanka Pakistan, iyadoo da’dooduna u dhaxaysay 9-74 jir.

Tiradooda ayaa ahayd 5 qof, waxaana ka badbaaday wiil jira 9 sanno, halka ay afartii kaleba geeryodeen, kaasi oo isna haatan cisbitaalka lagu dabiibayo.

Ninka falka gaystay, ayay da’diisu tahay 20 jir, kaasi oo cadho iyo cuqdad daran u qaba muslimiinta, isla markaana falkiisa uu dabada ka riixayay nacayb xooggan sida boolisku sheegeen.

Wakaaladda wararka REUTERS waxay sheegtay in hore la qorsheeyay fal-dembiyeedkan, inkasta oo eedaysanaha haatan loo tirinayo inuu gaystay falkani, yahay mid aan hore u gelin dembiyo, oo aan kamid ahayn kooxaha nacaybka lagu yaqaan.

Raysal-wasaaraha dalka Kanada Justin Trudue, wuxuu barta Twitter ku sheegay in islaam-nacaybku aanu boos ku lahayn bulshadooda’’, waxaana dadwayne badan dareen cadho leh ka muujiyeen falka lagula kacay bulshadani muslimiinta ah.

Waxaanu noqonayaa weerarkani, kii ugu xumaa ee soo food-saara bulshada muslimiinta Kanada, tani iyo sannadkii 2017-kii, oo masaajid ku yalla magaalada Quebec City, lagu dilay 6 muslimiin ahaa, Meeyerka magaalada London ee Ontrio dalka Kanada, wuxuu sheegay inuu yahay dil wadareedkii ugu xumaa soo mara magaaladiisa.

Kanada ayaa daymo-naxariis leh ku qaabilaysay kumannaan iyo kumannaan kasoo kala baxaya dalalka adduunka, kuwaas oo nafahooda kala soo cararaya dagaallo lagu hoobtay, faqri daran, fursado shaqo, waxbarasho iyo cabudhin dhanka xorriyadda ah oo ay ka waayeen dhulalkoodii iyo dalkii ay lahaayeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga