Kambaniga labaad ee ugu wayn Maraykanka ee farsameeya hilibka ayaa bixinaya adduun lacageed oo ka badan $5million si uu meesha iga saaro dacwadaha ka dhanka ah ee la xidhiidha in ay takooreen dad muslimiin ah oo dhaqaale u ahaa kambaniga.

Kambaniga JBS ayaa lagu eedeeyay in uu dad muslimiin ah gaar ahaan Soomaali ah uu u diiday in ay tukadaan xiliyada saaladda marka ay shaqada ku jiraan.

Xarumo ku yaala gobolka Minnesota ee Maraykanka ayay ka dhaceen kiisaska hadda kambanigan lagu eedaynayaa, halkaas oo ay ka shaqeeyaan Soomaali badan oo farsamaynta hilibka noocyadiisa kala duwan ka shaqeeya.

Kambaniga JBS wuxuu hadda rabaa in uu si is faham ah u dhameeyo dacwadda ka taala maxkamadda ee ka dhanka ah, isagoo malaayiin dollar siinaya dadka tacadiyada tirsanaya. Shaqaale gaadhaya 300 oo qof ayaa loo qaybinayaa hadda lacagta uu bixinayo kambanigu, taas oo mag dhow looga dhigayo iyo kabasho qaar kale oo shaqada ka baxay sababo la xidhiidha cadaadiska la saaray.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga