Cilmi Baadhis Ay Si Wada Jir Ah U Sameeyeen Hay’adaha Farsight Africa Iyo IPSOS Ayaa Muunjinaysa In Hoos U Dhac Wayni Ku Yimid Kalsoonidii Dadweynaha Soomaaliyeed Ay Ku Qabeen Xukuumadda Talada Dalka Soomaaliya Haysa Xilligan Marka Loo Eego Sanadkii 2017-Kii.
Cilmi Baadhistan Ayaa Muujisay In Dowladdu Ay Ku Taagantahay Dhabbihii Dowladnimada Balse Ay Hoos U Dhacday Kalsoonidii Lagu Qabay Sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Iyo Hay’addaha Garsoorka Iyo Baarlamaanka.
“Baadhitaankan Waxaa Laga Ururiyey Ilaa 1500 Oo Dad Soomaaliyeeda Ujeedaduna Waxaa Weeye In Dawladda Iyo Mucaaradku Ka Shaqeeyaan Shacabka Soomaaliyeed Maxay Rabaan,” Ayuu Yidhi Cabdirisaaq Aadan Maxamed, Oo Ah Madaxa Fulinta Hay’adda Farsight Africa.
Dhinaca Kale, Dowladda Soomaaliya Ayaa Ka Jawaabtay Aragtida Ay Ka Qabto Cilmi Baadhistan, Lagu Sheegay In Kalsoonidii Ay Dadku Ku Qabeen Ay Hoos U Dhacday.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxmauud Geelle Ayaa Sheegay In Dawladda Soomaliya Ay Bogaadinayso Hay’addaha Cilmibaadhistan Sameeyay Taas Badalkeedana Ay Dawladu Kaga Jawabayso In ay Sii Kordhiso Dadaalada Ay Ku Hananayso Quluubta Shacabka Soomaaliyeed.
“Hay’addaha Iyo Meelaha Ay Dhaliishu Ka Timid Wax La Dafirayo Maahan Lakiin Waa Wax Dib Loogu Naqon Doono Laga Shaqayn Doono In La Horumariyo,” Ayuu Yidhi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxmauud Geelle.”