Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kale ah Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa maanta si rasmi ah shaqada u bilaabay xafiiska dawladda hoose ee Xamar.

Sawirro lagu baahiyay internet-ka, ayaa muujinayay guddoomiye Filish, oo kulan la qaadanaya qaar kamid ah masuuliyiinta ugu sarsarraysa gobolka Banaadir, kulankan, ayay warbaahinta magaalada Muqdisho kutilmaamtay mid kor loogu qaadayo hawlaha maamulka gobolka iyo caasimadda Muqdisho laguna dardargelinayo ilsa xisaabtanka.

Guddoomiyihii kan ka horreeyay ayaa u geeryooday dhaawacyo kasoo gaadhay qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ‘’Eng. Yariisow’’ ayaa si xun loogu dhaawacay qaraxaas isagoo shaqada ku jira, kadibna u geeryooday dhaawacyadii kasoo gaadhay qaraxaas.

  

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga