Sida Laga Soo Xigtay ilo Sirdoon Ah, Sacad al-Qahtani, oo ah kaaliyaha ugu sareeya Boqorka Sacuudiga, ayaa ka danbeeyay dilka Saxafi Jamaal Khashoggi, Xilli uu Labaddii October Ku Sugnaa Gudaha Qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ee Magaaladda istanbul, isaga oo Amarka Dilka Ka Hagaayey Khadka Skype-ka.

Sabtidii, saxaafada dalka Sucuudiga ayaa sheegtay in Boqor Salman uu Shaqadda ka Joojiyay Qahtani iyo afar kale oo ka Tirsanaa Sirdoonka Dalka Sacuudiga, kuwaas oo Lagu eedaynaayo, dilka Wariye Jamal Khashoggi.

Saameynta Qahtani uu Ku Lahaa Amiirka iyo Boqortooyadda Sacuudiga Ayaa Ahayd Mid aad u Ballaadhan Saddexdii Sanno Ee La Soo Dhaafay, taas oo Ku Adkaan Doonto Saraakiisha Sacuudiga in ay Maxkamad soo Tagaan, Sida uu Qabo ilo Dhowr Ah Oo Xidhiidh La Leh Maxkamadda Boqortooyadda.

Maadaama ay Dhibaatadu Sii Korartay Saddexdii Toddobaad Ee La Soo Dhaafay, Dilka Khashoggi, Ayaa Saamayn Ku Yeeshay Boqortooyadda Sacuudi Carabiya, Oo Markii Hore Diidday Geeridiisii.

Sarkaal sarre oo Sacuudi ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in kuwa dilka geystay ay isku dayeen in ay qariyaan wixii dhacay, Balse Turkiga ayaa sheegay in ay haystaan ​​cajalado maqal ah oo Cadaynaya Wixii Meesha ka dhacay.

Jarmalka ayaa ku dhawaaqay in ay joojin doonaan Hubkii ay ka iibin jireen Sacuudiga, halka Britain, Faransiiska iyo Sweden ay soo saareen bayaan wadajir ah, iyagoo Sacuudiga ugu baaqay in ay Cadaymo “degdeg ah” ka Bixiyaan Dilka Wariye Jamal Khashoggi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga