Raysal-wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa soo gaadhay maalintii Jimcihii magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, raysal-wasaare Trudeau, ayaa waxaa qaabilay dhiggiisa Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Inta uu ku gudajiro safarkiisa Itoobiya, raysal-wasaaraha dalka Kanada, ayaa waxaa uu kulamo la yeelan doona raysal-wasaaraha Itoobiya iyo madaxda dalkaas, isagoo sidoo kale ka qaybgeli doona shirka madaxda ururka midowga Afrika ee 33aad isagoo noqon doona raysal-wasaarihii ugu horreeyay ee reer Kanada ah kaasoo ka qayb-gala shir-madaxeedka madaxda Afrika.

Warbaahinta caalamka iyo dadka siyaasadda falanqeeya ayaa si wayn uga faallooday booqashada Trudeau ee Itoobiya, iyaga oo sheegay maadaama shan bilood ka hadhsan yihiin codaynta golaha ammaanka qaramada midoobay ee laba kamid ah kuraasida aan joogtada ahayn uu madaxda Afrika ka rabo inay codkooda ku taageeraan Kanada.

Booqashadiisa Itoobiya, ayaa waxaa ku wehelinaya saraakiil katirsan xukuumaddiisa oo uu kamid yahay wasiirka asalkiisu Soomaaliga yahay ee Axmed Xuseen.

Kadib booqashadiisa Itoobiya Raysal-wasaare Trudeau, wuxuu u safri doonaa dalka Senegal, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxwayne Macky Sall.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga