Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa ku gacan saydhay war shalay kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha dawladda federaalka, kaas oo dhigayay in maamul cusub loo samayn doono deegaanada Kismaayo.

Dawladda federaalka ayaa hore u diiday doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna imika wadaa qorshe ay maamul loo dhanyahay ugu samaynayso deegaamdaas, waa sida ay xukuumaddu hadalka u dhigtaye.

Go’aamo adag ayay dawladda dhexe dul saartay maamulka Axmed Madoobe, balse xiisadda ayaa wali cirka iskusii shareeraysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga