Joe Biden, madaxweynaha Maraykanka, ayaa lagala hor tagay mudaharaad ay dhigayaan dad badan oo Ameerikaan iyo dhalashooyin kalaba haysta oo diidan siyaasadihiisa ku wajahan Israel.

Dadka mudaharaadka kala hor tagay madaxweynaha Maraykanka ayaa taageersan shacabka Falastiin iyagoo ka gadooday duqaaymaha iyo dagaalka ay Israel ka wado magaalada Qaza iyo bara kicinta shacabka reer Falastiin.

Joe Biden wuxuu booqasho ku maryay qaar ka mid ah gobolada dalkiisa, iyadoo mudaharaadka ugu danbeeyay uu ka dhacay gobolka Michigan oo ay degenyihiin bulsho tiro badan oo Carab ahi.

Xukuumadda Joe Biden waxay taageero u fidisay maamulka Yuhuudda ee Israel, iyadoo imika meel marisay hub malaayiin dollar ku kacaya oo laga iibinayo Israel.

Washington waxa lagu dhaliilay taageerada ay siinayso ciidamad aIsrael ee tacadiyada gaysanaya.

Waxa sidoo kale madaxweynaha Maraykanka laguĀ  cambaareeyay maalintii shalay ahayd oo uu ka orday wariye rabay in uu arinta Falastiin wax ka waydiiyo.

Dadka mudaharadaya ayaa raba in Biden uu tallaao adag qaado si Israel ay u joojiso barakicinta shacabka aan hubaysnayn, isla markaana dhimo taageerada uu siiyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga