Tom Hanks, oo ah nin jila Filimada oo Maraykan ah, kaasoo caan ku ah jilniinka, ayaa waxaa uu bartiisa Twitter ku sheegay in isaga iyo Xaaskiisa Rita Wilson, oo ah fannaanad iyo jilaaba laga helay Fayraska saamaynta wayn  yeeshay ee Coronavirus.

Farriinta uu soo geliyay barta Internet-ka ee Twitter, ayuu Mr. Hanks ku sheegay in isaga iyo xaaskiisuba ay dareemayaan sidii uu hargab ku dhacay iyo daal iyadoo buu sheegay xaaskiisuna ay qandho leedahay.

Hanks iyo Wilson, ayaa kusugan dalka Australia, iyagoo halkaa u tegay jilniinka Film ay wadeen, kaas oo ku saabsan nolosha heesaagii caanka ahaa ee Mr. Presley.

Lammaanahan, ayay da’doodu tahay 63 jir, waxaana lagu sameeyay baadhitaan kadibna laga helay cudurka Coronavirus iyagoo imikana lagu karantiilayo cisbitaalka Gold Coast oo kuyaal gobolka Queensland.

Warner Bros, oo ah shirkaddii soo saaraysay Filinka uu jilayay Tom Hanks, ayaa  war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in gebi ahaanba la joojiyay Filimkii ay jilayeen iyadoo labadan qofna ay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee caan ka ah  Maraykanka ee si rasmi ah loo xaqiijiyo in uu asiibay cudurka Coronavirus.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga