Hogaamiyaha xisbiga Labour Party ee dalka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in aanu mar danbe isku soo sharaxi doonin jagada hogaanka xisbiga iyo Ra’iisul wasaaraha waddanka.

Jeremy Corbyn ayaa hadalkan sheegay kadib guul-darradii uu xisbigiisu wajahay habeenkii xalay ahaa.
Si rasmi ah umuu sheegin xiliga uu is-casilayo, balse waxa uu sheegay in uu la tashan doono xisbigiisa inta uu wadaxaajoodku socdana uu sii higaamin doono xisbiga.

Hadalkan ayuu ka sheegay waqooyiga magaalada caasimadda ah ee London. Wuxuu soo eegayay natiijada kursi baarlamanka ah oo uu u sharaxnaa, wuxuuna kusoo baxay cod aqlabiyad ah, balse xisbigiisa ayaa kuraas badan lumiyay.

Boris Johnson ayaa aqlabiyadda kuraasta helay, kadib natiijada doorashadii shalay. Wuxuuna sii ahaan doonaa Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, xili ay sugayso shaqo aad u adag una badan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga