Wasiirka arriamaha gudaha ee dalka Jarmalka, ayaa sheegay in ciidamo badan oo boolis ahi ay ilaalin doonaan masaajiaddada waddanka Jarmalka, goobaha layskugu yimaad sida aagagga tareennada iyo goobaha lamidka ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka ayaa arrintan sheegay kadib markii dalkaasi ay ka dhaceen weerarro lagu qaaday goobo Shiishadda lagu cabbo, gaar ahaan magaalada Hanau.

Horst Seehofer, wasiirka arrimaha gudaha Jarmalku wuxuu sheegay inay jirto wax uu ku tilmaamay ‘’halis aad u wayn’’, taasoo ka imanaysa qolyaha aaminsan sarraynta caddaynka ee neceb soogalootiga muslinka u badan iyo kuwa neceb Yuhuudda.

Sagaal qof, ayaa Arbacadii lagu dilay magaalada Hanau ee galbeedka Jarmalka, halkaas oo qofkii falka gaystay la sheegay inuu dadka u laynayay si aan kala sooc lahayn.

Tobannaan kun oo ruux ayaa habeenkii Salaasadda waxa ay ka qayb-galeen baroordiiq loo sameeyay dadka dhintay, taasoo ka dhacday magaalooyinka Hanau iyo Berlin, dadka baroor-diiqda ka qayb-galay, ayaa sitay Shamacyo shidan iyagoo dareenkooda ku muujiyay aamusnaan.

Laamaha ammaanka dalka Jarmalka, ayaa sheegay inuu ahaa qofka falka fuliyay 43 jir ah, kaasoo loo tixgeliyay inuu ahaa fal argagixiso.

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ka hadashay weerarka ayaa cambaareysay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga