Xukuumadda Jarmalka ayaa xaqiijisay kadib baadhitaan ay ku samaysay internetka oo ay ka mid yihiin shabakadaha kombiyuutarada ee dawladda, sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka ayaa sheegtay Arbacadii in Dhacdadani ay ahayd mid “go’doomin ah” oo ay gacanta ku haysay Maamulka Federaalka.

Horaantii Arbacadii, wakaaladda wargeyska Jarmalka ee DPA ayaa soo Daabacday in khabiiradaasi ay adeegsadeen si ay u bartilmaameedsadaan wasaaradaha iyo  Xarumaha difaaca ee Dalka Jarmalka ayna ka xadaan xogta, sida ay sheegeen ila wareedyo.

Kambuutarada ayaa u muuqday inay Leeyihiin Shirkada APT28, oo sidoo kale loo yaqaano Fancy Bear, oo khubaro badani u maleynayaan inay xidhiidh la leeyihiin dawladda Ruushka,Wergayska DPA Ee Kasoo Baxa Dalka Jarmalka ayaa sidaas sheegay.

wararka ayaa sidoo-kale sheegaya in weerarkan ay ku lug lahayeen Shirkado Laga Leeyahay Dalka Ruushka bishii December, waxaana suurta gal ah in uu sii socday sanado badan.

Wasaarada arimaha gudaha Ee Dalka Jarmalka ayaan ka jawaabin eedeymaha ah in Shirkada APT28 ay ka dambeysay weerarka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga