Dawladda japan ayaa qayb ahaan fasaday degitaanka mid ka mid ah labadii magaalo ee snadkii 2011-kii ay ka dhacday sunaamidu. Sunaamida ayaa wax yeelaysay warshada nuliyeerka ee fukushima, taas oo barakicisay tobanan kun oo qof oo degenaa tuulooyinkii u dhawaa warshadda, maadaama shocaaca kasoo bxaay warshaduu uu waxyeelo halisa soo gaadhsiin karo dadaka.

Dedaalada sunta laga saarayo deegaanka ayaa hoos u dhigay shocaaca kasoo baxayay saddex ka mid ah haamaha kimikada oo ay waxteelo kasoo gaadhay dhul gariirkii iyo sunaamidii wada socday ee sideed sanno ka hor ku dhuftay deegaanka.

Warkan ucusb ee kasoo baxay dawladda japan ayaa dadkii ka qaxay magaalada okuma u ogolaanaya in ay ku laaban karaan guryahoodii, balse deegaano badan oo kale ayaa wali aan ka dagi karin iyadoo la wado dedaalda meesha lagaga saarayo sunta hawada gashay .

Dadka ka qxay deeganadan dhawrka ah ayaa dawlada ka codsaday in ay si wanaagsan uga nadiifiso sunta deegaanka soo gadhay. Iyagoo dalbday in lakabka sare ee ciida la qaabo, dhirta la gooyo, wadaooyinka iyo guryahana la nadiifoyo, maadaama sunta nukliyeerku ay aad u khatar badantahay.

Illaa 367 qof ayaa sheegay ion ay diyaar  u yihiin ku laabashada degnadoodii, iyadoo dadka markii hore deganaana lagu qoyaasay dad kor u dhafaya 10k oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga