Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ambassador James Swan ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku tegay magaalada Jawhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeele.

Mr Swan ayaa halkaas kula kulmay madaxweynaha Hirshabeele, Waare, waxayna ka wada hadleen arimo badan oo la xidhiidha xaaladaha deegaanada uu madaxda ka yahay iyo kaalmooyinka ay Qaramada Midoobay ay siiso.

Ujeedooyinka safarka danjiraha Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ay qayb ka ahayd sidii ay usoo indha-indhayn lahaayeen xaaladda maamulka oo dhawaan qaybo ka mid ah ay ku dhufteen fatahaado baaxad leh oo khasaare dhimasho iyo maalba leh ka tagay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga