Jamhuyriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo waxa ka dilaacday jadeecadii ugu xummayd abid, iyadoo galaafatay nolosha caruur ka badan 6000.

Hay’adda caafimaadka Qaramada Midoobay ee loo yaqaano WHO ayaa ku warantay in aan hore loo arag heerka ay jadeecadu ku faafaysay oo aad u dhakhso badnaa.

Sanadkii 2019 ayaa dalka laga diwaan-galiyay kiisas jadeeco ah oo ka badan 300,000 oo kiis.

In ka badan 18 million oo caruur ah ayaa laga tallaalay xanuunka Jadeecada, sida ay sheegtay hay’adda WHO.

Dalka Koongo oo ku yaala badhtamaha qaaradda Afrika waxa ka jira colaado sokeeye oo sanado badan ka jiray waddanka, arintaan oo curyaamisay hawlaha gargaarka ee dadka la gaadhsiin lahaa isla markaana meesha ka saartay horumarka waddanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga