Dawladda Jabuuti oo u tartamaysa mid ka mid ah kuraasta aan jogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xustay in dalka Kenya aan lagu aamini karin kursigaas.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo maanta safiirrada ajanabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xidhiidha musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi. “Jabuuti waxa aay qiyaasaysaa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yidhi wasiirku. Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. “Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”. 

Dowladdaha Jabuuti iyo Kenya ayaa loolan adag waxaa ay ugu jireen helida kusri ka mid ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey,waxaana xusid mudan in Xubnaha Midowga Afrika ay Kenya u codeeyeen balse aan go’aanka rasmiga ah la soo saarin,dowladda Jabuutina ay sheegtay inay waqti gelin doonto helida kursigaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga